Madaxweynaha Maamulha Hirshabeella ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga & Xiriirka Caalamiga ah, isagoo magacaabay agaasime cusub.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa lagu eedeeyay agasimaha xilka laga qaaday inuu ku kacay ha-dhaqan aan waafaqsaneyn nidaamka dowliga ah, kaasoo aan la faahfaahin.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle: Markuu arkay: Qodobka 51-aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Markuu arkay: Hab-dhaqanka aan waafaqsanayn nidaamka Dowliga ah ee Agaasimaha Guud Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga & Xiriirka Caalamiga ah ee DGHSH.
Markuu tixgeliyay: Talo soo jeedinta Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga & Xiriirka Caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
WUXUU MADAXWEYNUHU SOO SAARAY XEERKAN
Qodobka 1aad
1- Waxaa xilka Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga & Xiriirka Caalamiga ah ee DGHSH laga qaaaday “ Abdullahi Mahamed Hassan”
2- Waxaa mudane Mohamed Muhumad Abdulle loo magacaabay xilka “Agaasimaha Guud KMG” ah ee Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga & Xiriirka Caalamiga ah ee DGHSH.
Qodobka 2aad
3- Xeerkan wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali C/laahi Xuseen (Cali guudlaawe)
