Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa wareegto uu saaray xilkii uga qaaday Gudoomiye Ku Xigeenkii Arrimaha Amniga Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Meeris Isaaq.
Xil ka qaadista guddoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan ayaa sabab looga dhigay dardar gelinta howlaha maamulka, laakiin wararka ayaa sheegaya inay ka danbeysay khilaaf soo kala dhex galay mas’uulkaasi iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed.
Guddoomiye ku xigeenka cusub ee dhinaca Amniga Gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay Axmed Cusmaan Cabdulle (Axmed Inji).
