Monday, July 14, 2025

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyay dalka Jabuuti… (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiii uu hoggaaminayey ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo booqasho laba maalmood ah ay uga bilaabatay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaraaha Jamhuuriyadda Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Isgaarsiinta iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Xukuumadda Jabuuti. Labada Madaxweyne ayaa la filayaa inay wadahadallo ka yeeshaan aaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo waxaa socdaalka ku wehliya Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan, Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo xubno kale.

Image may contain: 6 people, people standing and suit
Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and suit
Image may contain: 2 people, people standing and suit

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON