Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa kormeer ku tegay goobta uu qaraxu ka dhacay ee Isgoyska Soope, magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa goobta qaraxa kula hadlay howlwadeeno iyo dad is xilqaamay oo halkaasi ka waday howl lagu baadi goobayo dadka ku hoos jira burburka uu dhaliyay qarixii weynaa ee shalay lala beegsaday Isgoyska mashquulka badan ee Soope.
Waxaa weli la raadinayaa dad maqan oo ku hoos jira burburka, iyadoo dadweyne fara badan ay raadinayaan dad ka maqan, waxaana madaxweynaha uu ka codsaday dadka inay isu gurmadaan oo la xoojiyo howsha gurmadka.