Sunday, June 22, 2025

Madaxweynaha Kenya oo Gaari guddoonsiiyay Ardaygii sida yaabka lahayd loogu doortay Xildhibaan [Sawirro]

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Gaari cusub hadiyad ahaan u siiyay xildhibaanka da’da yar ee dhowaan sida la yaabka leh looga soo doortay koonfurta Igembe.

Xildhibaan John Paul Mwirigi, ayaa ah 23- sano jir weli jaamacad dhigtay, wuxuuna ololaha doorashada ku galay isagoo dadka ugu tegayay guryahooda, isagoo taariikh cusub ka dhigay dalka Kenya. Wuxuu ahaa musharax madax bannaan oo aan xisbina ka tirsaneyn.

Xildhibaanka da’da yar ayaa uga mahadceliyay madaxweyne Kenyatta hadiyadda qiimaha leh, isagoo sheegay inuu si ka wanaagsan sidii hore ugu shaqey karo degaanka laga soo doortay.

Ad

Guusha xildhibaan Mwirigi ayaa si weyn looga hadlay dalka Kenya, kadib markii uu helay 76% codadkii laga dhiibtay kursiga uu ku soo baxay, wuxuna ka adkaaday Mithika Linturi, oo hadda ah ninka u taliya degaanka Meru.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON