Thursday, July 17, 2025

Madaxweynaha Kenya oo ka qeybgalay Afurka & Salaadii Masjidka Jamia ee Nairobi [Sawirro]

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa caawa tegay Masjidka Jamia Mosque ee magaalada Niarobi, isagoo muslimiinta kala qeyb galay afurka iyo salaadii Maqrib, isla markaana halkaasi kula hadlay bulshada muslimiinta Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee isagoo talada haya dalka Kenya Masjid gala, waxaana la guddoonsiiyey kitaab quraan ah, wuxuuna dadka Kenya ugu baaqay inay midoobaan iyagoo aan eegin waxyaabaha kala qeybinaya, wuxuuna sheegay in dowladda Kenya taageero gaara siineynin qeyb ka mida bulshada.

Mr Kenyatta oo uu wehliyey Adan Barre oo ah hoggaamiyaha aqbaliaydda Baarlamaanka Kenya ayaa muslimiinta Kenya ugu baaqay inay la shaqeeyaan dowladda oo gacan ku siiyaan dagaalka ay kula jirto argagixisada.

DAAWO SAWIRRADA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON