Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaciyey inuu ciidamada Kenya kala baxayo dalka Soomaaliya, arrintaas oo qorshaheeda uu kala hadlayo madaxda dalka Mareykanka, kadib booqasho uu ku tegay dalkaasi.
Uhuru Kenyatta oo wareysi siiyy VOA-da ayaa arrimihii uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa xilliga ay ciidamada Kenya ka baxayaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Kenya uu kharash badan uga baxo ciidamada ka jooga Soomaaliya, ayna waxaan qorshe ay doonayaan inuu Mareykanku ka taageero sidii ay ciidamadooda ugala bixi lahaayeen Soomaaliya.
“SIda ugu dhaqsiyaha badan ayaan ciidamadeena uga bixi doonaan Soomaaliya, Kenya kharash dheeraad ah ayaa uga baxan ciidamada ka jooga Soomaaliya, waxayna kharashkaad u adeegsan lahayn baahiyo badan oo dalkeena ka jira…” ayuu yiri Uhuru Kenyatta.
Ciidammada Kenya oo si sharci daro ah ku soo galay Soomaaliya sanadkii 2011, ayaa dib looga daray ciidamda AMISOM, waxaana shaki laga qabaa in dalalka AMISOM ay ciidamadooda ka jooga Soomaaliya u adeegsadaan lacag ay uga helaan Mareykanka iyo Midowga Yurub.