Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha Kenya oo si lama filaan ah uga baaqsaday caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo [Sabab]

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay inuu bedelay go’aankiisii hore ee ahaa ka qeyb galka caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wararka laga helayo safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa sheegaya in Madaxweyne Uhuru oo hore u sheegay inuu kasoo qeyb galayo xafladda caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya ee beri ka dhaceysa Muqdisho uu haatan ka baaqsaday sababo aan la sheegin dartood.

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Amina Maxamed ayaa la sheegay inay hogaamin doonto wafdiga dalkeeda uga qeyb galaya caleemo saarka madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhowaan u diray dhigiisa Kenya dhambaal gaar ah, kaasoo keenay inuu aqbalo madaxweynaha Kenya kasoo qeybgalka xafladda lagu caleemo saarayo madaxweynaha cusub, arrintaas oo hadda isbedel ku yimid.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa la xaqijiyay inuu yahay hogaamiyaha kaliya ee ilaa iyo hadda laga filayo caleemosaarka madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo Itoobiya ay soo direyso wasiirkeeda arrimaha dibadda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON