Thursday, April 25, 2024

FAAQIDAAD: Madaxweynaha ma kala diri karaa Golaha Adeegga Garsoorka? (Sharcinimada Golaha la kala diray)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto xafiiskiisa kasoo baxday 11-kii Bishan ku kala diray Guddigii Adeegga Garsoorka isagoo cuskaday qodobo ka mida dastuurka dalka ee KMG ah sida Qodobada 4-aad, 87-aad iyo 143-aad. Wuxuu kaloo madaxweynuhu wareegtadaasi ku caddeeyay in cabasho joogto ah oo dadku ka qabeen cadaalad darro baahsan oo ka jirtay garsoorka.

hassan-ceydi

Aan marka hore akhristayaasha la wadaagno qodobada uu cuskaday madaxweynaha oo faahfaahsan oo aanu idinkaga soo guurinay Dastuurka KMG ah:

Ad

GAG2

[ad name=”HTML-2″]

GAG1

- Advertisement -

Waxaa kaloo muhiim ah inaanu halkan ku soo bandhigno sida Dastuurka hadda lagu dhaqmo ee KMG ah u dhigayo in Golaha Adeegga Garsoorku noqdo oo ah sida soo socota:

 

GAG

Inta aanan u gudbin sharcinimada wareegtada madaxweynaha, waxaa is weydiin karnaa:

1- Miyuu jiray Gole Adeeg Garsoor?

2. Sidee golahaasi u jiray, sideese ku dhsmay haddiiba uu jiray..?

3. Maxaa keenay inuu xilligan dhasho muranka oo la isla soo gaaro waqtigan?

Sharci ahaan marka aad eegto qodobada dastuurka ee sare ku xusan, waxaa cad inuusan jirin Gole Adeeg Garsoor oo waafaqsan sida dastuurku u dhigayo sababtoo ah:

- Advertisement -
  • Ma jirto, mana sameysna Maxkamadda Dastuurka.
  • Ma jirin labada garyaqaan ee ururada Qareeno magacaabeen.
  • Waxaan kaloo jirin oo weli la dhisin guddigii xuquuqda Insaanka iyo guddoomiyaha guddigaas
  • Sidoo kale ma jiraan 3-da xubnood ee bulshada rayidka laga keeni lahaa oo golaha wasiirada soo jeediyeen kadibna madaxweynaha magacaabayo.

Tani waxay macnaheedu tahay in 7- xubood oo ka mida 9-ka xubnood ee Golaha adeegga Garsoorka ka kooban yahay aanay jirin ama hay’adadihii ay ka imaan lahaayeen aan la magacaabin ama weli la dhisin. sidaas darteedna aanu dalka ka jirin wax la oran karo waa GOLE ADEEG GARSOOR.

Haddii aan usoo degno su’aasha xigta ee ah: Sidee golahaasi u jiray, sideese ku dhsmay haddiiba uu jiray..? waxay jawaabtu tahay, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ceydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf ayaa iskiisa isaga magacawday & xubnood oo kale kuna magacaabay inay yihiin Golaha Adeegga Garsoorka, isagoo xitaa aan heysan xubintii labaad ee Garyaqaanka Guud, waxaana sharci darro sidaas ah ku shaqeynayay guddi magacaas wata kadib dhaqangalkii Dastuurka KMG ah iyo dhismaha dowladda aan Kumeelgaarka ahayn ee Xasan Sheekh.

Su’aasha u dambeysa ee waxa xilligan keenay murankan Golaha Adeegga Garsoorka, waxaa lagu soo koobi karaa inuu madaxweynuhu kala diray hay’ad aan sharciyan jirin oo ay ahayd isla maalintii uu xafiiska yimid inuu howshan qabto lana helo Gole Adeegga Garsoorka dalka qabta oo dastuurka la socda. Waxaase la yaab leh inuu madaxweynaha la sugo ilaa xilligan tiiyoo aanay haba yaraatee diyaar ahayn xubnihii asaaska u ahaa ee GOLE GARSOOR noqon lahaa. Waxay xaaladani calaamad kale u tahay sida madaxweyne Xasan Sheekh taladu uga baahday ee u hanan waayay dowlad soo celinta dalka.

Haddaba haddii aan dib u eegno sharcinimada wareegtada madaxweynaha waxaa noo soo baxeysa in lagu muransan yahay GOLE aan markii horeba sharci ahayn, waxaa madaxweynaha ku haboonaa isaga iyo xukuumadihiisii kala dambeeyay inay dhisaan hay’adihii ay ka imaan lahaayeen 9-ka xubnood ee Guddiga Adeegga Garsoorka, taasoo aan loo baahdeen kala diris Gole aan sharci ahayn oo wax lagu bedelana aanay jirin. Haddiise Gole Adeeg Garsoor oo sida Dastuurku sheegayo loo dhisay uu dalka ka jiro madaxweynaha waxaa lagu celin lahaa wareegtadiisa.

Goobjooge.com

Muqdisho

 

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON