Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku sii jeeda dalka Imaaraadka Carabta, kadib markii halkaasi looga yeeray.
Arrintan ayaa ka danbeysay xiriir dhex maray Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho, wuxuuna noqonayaa madaxweynihii saddexaad ee maamul Goboleedyada dalka hoggaaminaya oo taga Imaaraadka, kadib khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhex oogmay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Madaxweyne Waare oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee dalka , isagoo ku sii jeeda magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka, waxaana la sheegay in xubno la socday oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Hirshabeelle iyo laba oo qof kale ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho, kadib markii safarka madaxweynaha uu noqday mid keligiis lagu casuumay.
Waxaa hore Imaaraadka u tegay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, waxaana gebi ahaan qarsoodi laga dhigay socdaalkii Axmed Madoobe, waxayna labadaasi madaxweyne markii ay dalka ku laabteen ay weerar afka ah ku qaadeen dowladda Soomaaliya.