Friday, July 18, 2025

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo tegay Magaalada Beledweyne [Sawirro]

Madaxweynaha  Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble  ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Cali C/laahi Cosoble iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Magaalada Beledweyne kusoo dhoweeyay  Maamulka Gobolka Hiiraan, Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha bulshada gobolka Hiiraan.

Ujeedad socdaalka wafdiga Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay inay ku saabsan tahay kulamo iyo la-tashiyo uu la yeelanayo maamulka iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan oo uu kala hadli doono xaaladda Doorashada dalka iyo dhismaha maamulka Hirshabeelle.

Waa markii labaad ee madaxweynaha Hirshabeelle tago magaalad Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo socdaalkii hore ku beegnaa markii Jowhar loogu doortay xilka Madaxweynaha.

DAAWO SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON