Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa dowladda Kenya ugu baaqay inay furto xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo in muddo ah xiran.
Isagoo ka hadlayey shir ku saabsan Dabar goynta Xanuunada faafa ee Deganada xuduudka ay wadaagan Kenya iyo Soomaaliya ayuu sheegay inay laga maarmaan ay tahay in Soomaaliya iyo Kenya ay iskaashigdaan dhinacyada nabadgalyada caafimaadka iyo xiriirka ee bulshooyinka ku nool soohdinta ay wadaagaan Jubbaland iyo Kenya.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa Kenya ka dalbaday inay dib u furto xuduudka labada dal, si noloshu ay u noqoto mid isku xiran dadkuna ay dhaqdhaqaaq u samayn karaan.