Monday, June 23, 2025

Madaxweynaha Mareykanka oo xilkii ka eryay Agaasimaha Hay’adda FBI & muran ka taagan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa soo saaray wareegto uu xilkii uga  eryay agaasimihii hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI James Comey.

Donald Trump ayaa ku eedeeyay in agaasimaha FBI-da aanu awood u laheyn in uu hay’addaasi hoggaamiyo.

Arrintan oo dood weyn ka dhalisay Mareykanka ayaa ah tii ugu horeysay ee ka dhacda dalka Mareykanka, waana markii labaad ee madaxweyne Mareykan ah uu xilka ka qaado agaasimaha FBI, kadib madxweynihii hore ee Richard Nixon oo isaguna isu casilay fadeexadii Watergate sanadkii 1973.

Ad


James Comey ayaaa waday baaritaanka kiiska la xiriira suurta-galnimada in Ruushku uu xiriir la yeeshay xubno ka mid ahaa ololahihii doorashada ee Trump oo uu gacan ka siiyay in la doorto Trump.

Xisbiga dimoqraadiga ayaa dalbaday in guddi baaris oo gaar ah loo sameeyo baaritaanka kaalintii Ruushka ee doorashadii Trump.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON