Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynaha Mareykanka oo xilkii ka qaaday Agaasimihii Aqalka Cad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u magacaabay xoghayihiisa Amniga gudaha John Kelly inuu noqdo madaxa Shaqaalaha Aqalka Cad, kadib marki xilkaasi laga qaaday Reince Priebus.
Go,aankan ayuu madaxweyne Trump ku shaaciyay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxyar kadib marki uu kasoo laabtay munaasabad uu kaga qeybgalay gobolka New York.

Reince Priebus, oo horay madax uga soo noqday Guddiga Qaran ee Jamhuuriga ayaa muddooyinkba bartilmaameed u ahaa hadalo la isla dhaxmarayey oo sheegayayey inuu qarka u saaranyahay inuu waayo shaqadiisa.

Waxaa ugu danbeyey hadal uu agaasimaha cusub ee Warfaafinta Aqalka Cad uu si aanan gabasha lehen ugu duray Mr. Priebus oo uu ku sheegay inuu yahay qofka warbaahinta u dusiya siraha Aqalka Cad.

Sababaha dhabta ah ee ka danbeeya inuu xilkiisa waayo Reince Priebus ayaanan si rasmi ah loo caddeyn, balse labadi todobaad ee lasoo dhaafay wuxuu ahaa nin go,doonsan.

Iyada oo wariyaasha kula hadleysay Aqalka Cad, xalay fiidki ayey Xoghayaha Warfaafinta Aqalka Cad Sarah Huckabee Sanders sheegtay, in wadahadalada ku saabsan xil ka qaadista ay muddo laba todobaad ka hor wada bilaabeen madaxweyne Trump iyo Reince.

Wareysi uu siiyey Telefeshinka CNN kadib marki uu iska casilay xilka ayuu Mr. Priebus dhankiisa ka sheegay in madaxweynaha uu doortay inuu qaato waddo kale.

Madaxa cusub ee shaqaalaha Aqalka Cad, John Kelly waa general afar xidigle howlgab ah oo usoo shaqeeyey ciidamada badda Mareykanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON