Madaxwaynaha dalka Masar C/Fataax Al-Siisi ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii ciidamada militeriga dalkaasi todobaad kadib markii askar ka badan 50 oo ka tirsan ciidamada ammaanka lagu dilay Koonfurta magaalada Qaahira.
Wareegto madaxwayne oo la soo saaray ayaa waxa lagu dhawaaqay in Jenaraal Maxamed Farid Hegazy uu noqonayo madaxa cusub ee ciidamada qalabka sida ee dalka Masar iyadoo xilkaasi laga qaaday taliyihii hore Mahmoud Hegazi.
Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ayaa xilka ka qaaday afar ka mid ah saraakiisha sarsare. Tillaabooyiinkan ayaa ku soo beegmaya ka dib weerarkii todobaadkii aanu soo dhaafnay ka dhacay dalkaasi,kaasi oo lagu qaaday ciidamada ammaanka.
Askarta faraha badan ee lagu dilay duleedka magaalada Qaahira ayaa gilgilay dowladda iyo dadka Masar iyadoo koox hubeysan ay awood u yeelatay inay leyso ciidammo isugu jira kuwa booliska iyo kuwa gaarka ah ee milateriga.