Monday, July 14, 2025

Madaxweynaha oo joojiyay in Saxiixa Ra’iisal Wasaaraha lagu bixiyo lacagta Dowladda [DHAGEYSO]

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya  ee waqtigiisa sharciga ahaa sii dhammaanayo ayaa qaaday tallaabo uu ciriiri ku gelinayo Ra’iisal wasaarihiisa kadib markii uu shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

xasan-cumar
Cumar C/rashiid iyo Xasan Sheekh Maxamuud

Wareegto uu soo saaray  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 7-dii bishan ayuu ku mamnuucay in xukuumadda hadda jirta ay ku dhaqaaqdo magacaabida, dalacaad iyo xil ka qaadis, waxaana lagu xayiray in kharash ka baxsan miisaaniyadda laga qaato Bankiga Dhexe, arrintan oo si toos ah ugu socotay Ra’iisal Wasaaraha.

Madaxweynaha oo ka dib sharxay sababta uu u soo saaray Dhawaan ayaa ku micneeyay inay si aan looga faa’ideysan xilliga kala guurka oo aan lagu  takri falin hantida Qaranka.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu amar ku siiyay Wasaarada Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe inaan wax lacag ah lagu bixin karin saxiixa Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

“Ma ogolaan doono in mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda ay Ololaha Doorashada uga faa’ideystaan dowladnimada iyo Danahooda Gaarka ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNAHA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON