Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan degdeg oo talo-wadaag ah isugu yeeray wasiiro ka tirsan xukuumadda, culimada, dhakhaatiir, ganacsato, Maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda hay’adaha dowladda ee qaabilsan caafimaadka.
Kulankan ayaa looga hadlay ka hortagga cudurka Covid-19 iyo Qorshe ay iska kaashanayaan dhammaan dhinacyada kala duwan, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo caddeeyay inay tabarta dowladda ay aad u yar tahay, isla markaana aysan Hay’adaha caafimaadka dalka xaaladooda wanaagsaneyn loona baahan in Alle la baryo.
Wuxuu sheegay inay dowladda Soomaaliya qeylo-dhaan u dirtay dalalka ay saaxiibada yihiin ee Beesha caalamka, ayna sugayaan in kaalmo caafimaad loo fidiyo, wuxuuna intaas ku daray inaan dadka la oran karin guryihiina jooga haddii aan loo heynin wixii ay ku noolaan lahaayeen.
“Dadkii waxaad moodaa inaysan dareemin dhibaatadda cudurkani leeyahay.. taxadarku ma reebana.. weli dadku ma qaadan talllooyinka ay bixinayaan wasaaradda caafimaadka..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in mar haddii uu qofku ku dhaco inuu halis geli karo, awoodda caafimaadna aanay lahayn Soomaaliya.
“Dadka ma oran karno jooga guryihiina maxaa yeelay waa inay kala doortaan gaajo iyo Coronavirus.. Dowladdu ma laha keyd, mana kabi karto, waxba hore meel uma dhigin.. waa inaanla noolaa oo aan innaga is caawino.. Dadka iyagoo noloshoodii wata inuu is ilaaliyo..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.









