Sunday, July 13, 2025

Madaxweynaha oo saxiixay Sharciga Xisbiyada 5 maalmood ka hor dhammaanshaha xilkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga dhismaha xisbiyada badan oo Baarlamaanka Soomaaliya hore u ansixiyay bishu June 2016.

Xaflad lagu qabtay xarunta Madaxtooyada oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan, Wasiiro, xildhibaano iyo xubno ka socda ururada bulshada rayidka ayuu madaxweynuhu ku saxiixay sharciga oo dhaqan galay maanta.

Xasan-XisbiyoSaxiixa Madaxweyne Xasan Sheekh ee  Sharxiga Xisbiyada ayaa ku soo beegmaya 5 maalmood ka hor dhammaanshaha xilliga sharciga ah ee madaxweynenimo, taasoo muujineysa sida dowladii uu madaxda ka ahaa uga gaabisay howshii ay ahayd inay qabto 4-tii sano ee ay xilka heysay.

Sharcigan ayaa la qorsheeyay inuu dhaqan galo sanadka labaad ee xiliga dowladda Madaxweynaha Xasan Sheekh, waxaana hadda ay noqoneysaa in arrimihii ugu waaweynaa ee laga sugayay dowladiisa sida sameynta Dastuur rasmi ah iyo dhismaha xisbiyadda iyaasadeed ee dalka ka dhaqan gala ay hadda u wareegeen dowladda cusub ee 2016-2020.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON