Monday, June 23, 2025

Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyey Siyaasi caan ah iyo Odayaal u xirnaa inay xukunkiisa ka horjeedaan

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cafis gaara u fidiyey 5 xubnood oo isugu jira siyaasi iyo odayaal uu ku dhacay Xukun Maxkamadeed uu ku dhacay, laguna eedeeyay kicin dadweyna iyo inay ka horjeedaan maamulkiisa.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay, kadib Markuu arkay: Warqadda sumadeedu tahay XIG/DPS/ /2020, kuna taariikhaysan 14/01/2020, ujeedadeeduna tahay Codsi Cafis Gaar ah Maxaabiis Xukuman, kana soo baxday Xafiiska Xeer-ilaalayaha Guud ee Dowladda Puntland, isla markaana uu tixgeliyay Xaaladooda Caafimaad iyo waliba mida Da’dooda ee xukumanayaasha hoos ku xusan, Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa cafis Madaxwayne oo gaar ah loo fidiyey Xukumunayaasha magacyadoodu kala yihiin sidatan:-

Ad

1. Muuse Cali Jaamac Ina Caasho Ciise 70 jir ah

2. Cabdullaahi Yuusuf Buuxe Ina Faadumo Shire 60jir ah

3. Cawad Ceel Maxamed 70 jir ah

- Advertisement -

4. Cabdicasiis Baydhabo Axmed Ina Shamis Siciid 47 jir ah

5. Maxamuud Aadan Rooble ina Mumino Maxamud 60 Jir ah

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON