Sunday, June 22, 2025

Madaxweynaha Puntland oo gaaray dalka Itoobiya, kadib socdaalkii Imaaraadka ee qaatay 3-da toddobaad

Madaxtooyada Puntland ayaa shaacisay in Madxweynaha maamulkaasi Siciid Cabdullaahi Deni uu gaaray caasimadda dalka Itoobiya ee Addis ababa, iyadoo halkaasi kulan kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Itoobiya Axmed Shide.

Madaxweyne Deni ayaa socdaal qarsoodi ah oo aanay ka hadlin Puntland ku joogay dalka Imaaraadka muddo 20 maalmood ah isagoo halkaasi gaaray 23-kii Novembar 2019, waxaana mar kaliya la shaaciyey 13-ka Disembar 2019 heshiis uu la saxiixday madaxa Bisha Cas ee dalka Imaaraadka oo ku saabsanaa in magaalada Boosaaso ay xarun ka furato magaalada Boosaaso.

Kulanka Madaxweynaha Puntland iyo wasiirka Maaliyadda Itoobiya ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, amniga, horumarka iyo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland.

Ad

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Puntland soo dhoweynayso iskaashiga horumarineed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland. Waxaana uu Madaxweynuhu u rajeeyey shacabka iyo dowladda Itoobiya Amni iyo horumar.

Dowladda Itoobiya ayaa yareysay xiriirka ay dowladda Itoobiya la leedahay maamul goboleedyada iyadoo xiriir soke la yeelatay dowladda Soomaaliya, taasoo keentay in madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya uu yaraado socdaalkooda Itoobiya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON