Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhoweeyay magaalada Bahir-dar ee dalka Itoobiya [Sawirro]

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo ku sugan Itoobiya ayaa galabta gaaray magaalada Bahir-Dar ee dalka Ethiopia.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa ka qeyb galaya shirkii sanadlaha ahaa ee Madaxda Shir Madaxeedkii 6-aad ee Madasha Sare ee Amniga Qaaradda Afrika (Tana High-Level Forum on Security in Africa) ee lagu qabto magaalada Bahardaar, loogana hadlo dhaaladaha dhaqaala iyo amniga Afrika.

Madaxda shirkan ka qeyb galeysa sanadkan waxaa ka mida Ra’iisal wasaaraha martida loo yahay ee Itoobiya iyo Madaxda dalalka Uganda, Sudan, Kenya, Rwanda, South Africa iyo wakiilo Yurub iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Puntland ayaa si joogto ah shirkaasi uga qeybgala iyadoo sidoo kale lagu casuumo madaxda dowladda Soomaaliya oo lagu wado inay beri wafdi u diraan.

SWIRRO

 

Shirkii Amniga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Bahir Daar, Itoobiya [SAWIRRO]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON