Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddi qaabilsan Arrimaha Bini’aadaninimada ee dadka kusoo barakacay dagaalka Magaalada Laascaanood.
Wareegto kasoo baxday Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu sheegay in si loogu diyaar garoobo dadka dhibaatadu kasoo gaartay magaalada Laascaanood uu magacaabay Guddi ka kooban Hay’adaha Dowladda, Ganacsato, Culimo iyo Samafelayaal ah, waxayna kala yihiin:
1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxa, Guddoomiye.
2. Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeen.
3. Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dr Jaamac Faarax Xassan Xubin.
4. Wasiirka Wasaaradda duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin.
5. Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir Xubin.
6. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo masiibooyinka Layla Cabdi Cartan Xubin.
7. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Shaakir Maxamed Guuleed Xubin.
8. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifatax Maxamed Cabdinuur Xubin.
9. Maxamed Caydiid Jaamac Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Xubin.
10. Dr Siciid Warsame Shahaado xubin.
11. Shiikh Fu’ad Maxamuud Xaaji Nuur Xubin.
12. Shiikh Axmed Yuusuf Daad Xubin.
13. Cabdikaafi Axmed Siciid Ganacsade Xubin.