Friday, August 1, 2025

Madaxweynaha Puntland oo Mas’uuliyiin cusub u magacaabay Bankiga Dhexe ee Puntland.. [Wareegto]

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.04 January 8, 2020, kaasoo uu ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Agaasime ku-xigeenka Baanka dhexe ee Dowladda Puntland.

Wareegtada Madaxweynaha Puntland ayaa u qorneyd sidatan:.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Baanka dhexe ee Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo waaya-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey :

1. Waxaa Abdirisaaq Warsame Seeraar loo magacaabay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Dowladda Puntland.

2. Waxaa Anisa Cabdiraxmaan Maxamed loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON