Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland Cabdulqaadir Cali Xirsi .
Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Deni ayaa timid kadib markii uu dhowaan mas’uulka uu xilka qaaday ka hadlay xaalada hay’adaasi iyo arrimo ay kula kacday xukuumadda Siciid Deni hoggaamiyo.
Wareegtada ahaa u qorneyd: Madaxweynaha Puntland Markuu arkay:
Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.
Markuu garawsaday: Shaqooyinka baaxadda leh ee horyaala Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Cabdulqaadir Cali Xirsi laga qaaday xilka Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.
2. Waxaa si ku meel gaar shaqada Hay’adda u sii wadaya Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.
