Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilalkii ka qaaday Taliyihii iyo taliye ku xigeenadii Ciidamada Booliska Puntland, kadib waregto saaka kasoo baxday xafiiskiisa.
Madaxweyne Deni ayaa xil ka qaadistan u cuskaday baahi loo qabo in dib-u-habeyn lagu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland, wuxuuna soo saaray go’aankan.
1. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey S/Guuto Bile Faarax Cali Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.
2. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey G/Sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag) Taliye ku xigeenka 3aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.
3- Dhinaca kale wuxuu Madaxweyne Deni magacaabay S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland, isagoo xilkii ka qaaday taliyihii hore Gen Muxiyadiin Axmed Muuse.