Madaxweynaha Dowladda Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xil kaqaadis ku sameeyey Agaasimaha Guud ee la-dagaalanka burcad badeedka Puntland.
Wareegto laga soo saaray xafiiska Madaxweyne Gaas oo tirsigeedu ahaa Lr. 29 ee soo baxday March 19 2017 ayaa u qorneyd sida soo socota:
Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee March 19 2017, Kuna Saabsan Xil Kaqaadis Agaasimaha Guud Ee Ladagaalanka Burcad Badeeda Dowladda Puntland
Madaxweynaha Dowlada Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasiirka dekedaha, gadiidka badda iyo lafagaalanka burcad badeeda
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo isbadalka iyo dardargalinta Agaasinka Ladagaalanka burcad badeeda Puntland
Waxuu xeeriyey:
Waxuu xilkii Agaasimaha Guud ee ladagaalanka burcad badeeda ka qaaday Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane)
1. Xeerkani waxuu Dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo
Xilka qaadista ayaa ka danbeysay kadib markii burcad badeed fadhigeedu yahay degaanada Puntland ay afduubteen Markab ganacsi, waxayna soo baxday xilli uu degaanada Puntland ka maqan yahay madaxweyne Gaas.
Goobjooge.com