Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, isagoo ka qeyb geli doona shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Dalalka Midowga Afrika.
Shirkan ayaa ka dhacay magaalada Addis ababa 17-18 -ka November, iyadoo looga hadlayo isbedello waaweyn oo lagu sameyneynayo qaab dhismeedka ururka Midowga Afrika oo muddo laga shaqeynayay, waxaana guddoominaya madaxweyanha Rwanda Paaul Kagamed.
Waxaa Soomaaliya u metelaya wafti uu hogaaminaayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, iyadoo ay ka baaqsadeen madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre, waana markii labaad ee Ra’iisal Wasaare ku xigeenka uu Soomaaliya u metelo shir madaxeed ay isugu imaanayaan dalalka Midowga Afrika.
Dhinaca kale waxaa isla magaalada Addis ababa ka socda shir aan caadi ahayn ee wasiirada arrimaha dibadda IGAD oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo Koonfurta Suudan, waxaana Somalia uga qeyb galaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.