Friday, April 19, 2024

Madaxweynaha Ruushka oo Dagaalka Ukriane ugu yeeray Dagaalyahannada Carabta ah

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa fasaxay in dadka mutadawaciinta ah ee ka imaanaya Bariga Dhexe ee dadkoodu Muslimiiinta u badan yihiin in ay ku biiraan ciidamada Ruushka ee ka dagaallamaya Bariga Ukraine.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii Ukraine ay tageen dagaalyahanno Ingiriis iyo Dalalka Yurub ka tirsan oo la dagaalanaya ciidamada Ruushka ee ku tuulay dalkaasi, waxaana ka mida askar katirsan ciidamada dalka Ingiriiska oo sawirradooda la baahiyey.

“Haddii aad aragtaan dad si iskood ah raba, oo aan lacag doon ahayn, inay caawiyaan dadka ku nool Donbas, waa in aan u oggolaanno waxa ay rabaan, waana inaan ku caawinno si ay u tagaan furimaha dagaalka,” ayuu yiri Madaxweynaha Russia oo ka hadlayey shirka Golaha Amniga dalkiisa.

Ad

Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka, Sergei Shoigu, ayaa isna sheegay inay jiraan dagaalyahanno tiradoodu gaareyso 16,000 oo ka soo jeeda Bariga Dhexe, kuwaasoo diyaar u ah in ay tagaan Donbas iyo Lukansk oo ah jamhurriyado gooni isu taag ah oo ka tiranaa Ukraine, balse Ruushku aqoonsaday.

Ciidamo ka tirsan Dalka Syria iyo Maleeshiyooyin dalkaasi ku sugan ayaa la sheegay inay doonayeen inay ka barbar dagaalamaan ciidamada Ruushka ee galay dalka Ukraine, iyadoo Ruushku uu hore dowladda Syriya ee madaxweyne Bashaar al-Asad uga caawiyey dagaalkii kooxaa islaamiga.

Dowladda Ukraine ayaa dhinaceeda bilowday inay diyaarineyso ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo dibadda uga yimid si ay uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah militeriga Ruushka.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON