Monday, July 14, 2025

Madaxweynaha Ruushka oo si kulul uga hadlay weerarkii lagu qaaday Suuriya & Gantaalaha SAM 300 oo la siinayo Suuriya

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarka ay reer Galbeedku ku qaadeen dalka Suuriya oo ay dalkiisa xulufo yihiin.

Warbixin laga baahiyey Telefishanka dawladda ayuu Putin si kulul ugu cambaareeyey weerarkaas, isagoo sheegay in duqeynta Suuriya ay ahyad  “fal gardarro cad ah” oo lagu qaadaydal madax bannaan. Waxaanu intaa ku daray in hubka kiimikada ah ee la sheegay in lagu weerary magaalada Duuma ee Suuriya todobaadkii hore, uu ahaa shirqool la maleegay oo looga gol lahaa in marmarsiiyo looga dhigto weerar lagu qaado Suuriya.

Dhinaca kale wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa shaacisay inay ciidamada dowladda Suuriya siin doono Gantaalaha difaaca sare ee SAM 300, iyadoo intaas ku dartay in ay xoojisay difaaca cirka ee ciidamada Suuriya, ayna sii xoojin doonto.

Ruuska ayaa sheegay inaysan ciidamada Faransiiska ka qeyb qaadan weerarkii aroortii saaka lagu qaaday dalka Suuriya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON