Thursday, June 26, 2025

Madaxweynaha Somaliland oo cafis ku sii daayay Maxaabiis ku dhow 600.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyey maxaabiis ku dhow 600 oo ku jiray xabsiyada maamulkaasi, kadib xaaladda ka dhalatay Coronavirus ee dunida ku faafaya.

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha Somaliland ayaa lagu caddeeyay in Cafis Guud loo fidiyey Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada maamulkaasi ku xiran.

“Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 574 (Shan Boqol iyo Afar iyo Toddobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen” ayaa lagu yiri Wareegtada Muuse Biixi.

Dowladaha caalamka ayaa go’aansaday inay xabsiyada kasii daayaan maxaabiista aan denbiyad culus gelin, kadib markii uu dilaacay cudurka Covid-19 oo dhibaato ba’an ku haya dunida.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON