Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka faa’iideystay khilaafka ka taagan arrimaha doorashada Soomaaliya, isagoo cafis u fidiyay siyaasiyiinta iyo odayaasha gobollada Waqooyi ee ku sugan Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid ayaa sheegay in Somaliland diyaar u tahay in ay xitaa soo diyaarado u diraan si loo soo daabulo siyaasiyiinta iyo odayaasha ku hungoobey Soomaaliya sida u yiri.
Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo siyaasiyiinta iyo odayaasha beelaha Waqooyi ay qaadaceen qaabka loo qeybiyay xubnaha aqalka sare ee Soomaaliya, waxaana muuqata in Maamulka Somaliland uu doonayo inuu ka faa'iideysto xaaladda taagan.
Waa markii u horeysey Somaliland ay mar qura si guud ahaan ah ku dhawaaqdo inay cafis u fidisay qofkasta oo degaanadaasi ka soo jeeda oo Muqdisho u tegay midnimada Soomaaliya.
Ma muuqato sabab siyaasiyiinta iyo odayaasha boqolaalka ah ee Somaliland ka soo jeeda ay mar qura uga tagaan Muqdisho, iyadoo ala ogyahay inay xilal iyo dhaqaale ku heystaan metelaadda Gobollada goonida isu taagay ee Somaliland.
Goobjooge.com