Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynaha Somaliland oo Safarkiisii labaad ugu dhoofay Dalka Imaaraadka Carabta [Sawirro]

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safarkiisii labaad ugu ambobaxay dalka isu-tagga Imaaaraadka Carabta oo la sheegay in looga yeeray.

Muuse Biixi oo xiriir dhow la leh Imaaraadka waxaa safarka ku weheliya wasiirrada wasaaradaha Macdanta iyo Tamarta, Diinta iyo Awqaafta, Ganacsiga Wershedaha iyo Dalxiiska, Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal, Mudane Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Maxamuud Xasan Sacad oo kaga sii horeeya imaaraadka.

Muuse Biixi iyo madaxda Imaaraadka ayaa ka wadahadli doona xiriirka labada dhinac iyo xaaladda mashaariic Imaaraadku ballanqaaday inuu ka fuliyo Somaliland oo dib u dhac ku yimid.

Safarka madaxweyne Muuse Biixi ayaa noqonaya kii labaad ee uu dalka Imaaraadka ku tago intii talada qabtay, wuxuuna dhowaan kasoo laabtay dalka Itoobiya oo socdaalkiisii ugu horeeyay uu ku tegay.

Image may contain: one or more people and people standing
Image may contain: 1 person, standing, sky and outdoor
Image may contain: sky, airplane and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON