Dowladda Kenya ayaa casuumaad u fidisay Madaxweynaha Somaliland oo booqasho maanta uga bilaabaneyso dalka Kenya.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhoeweyd ka dhoofay magaalada Hargeysa, isagoo ku sii jeeda Nairobi; waxaana la sheegay inuu la kulmi doono madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda.
Madaxtooyada Somaliland ayaa shaacisay inuu madaxweyne Muuse Biixi uu martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Keny Uhuru Kenyatta, waxaana wafdigiisa ka mida Wasiirrada Arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, horumarinta caafimaadka Cumar Cali Cabdilaahi iyo Horumarinta maalgashiga Maxamed Axmed Cawad.
Kenya ayaa in muddo ah waday xiriiro ay la leedahay maamulka Somaliland, iyadoo siyaasiyiin uu ka mid yahay Raila Odinga uu soo jeediyey in la aqoonsado Somaliland. Labada dhinac ayaa ka wadahadli dooona xiriirkooda iyo sidii loo xoojin lahaa, siiba ganacsiga.
Arrintan oo jawaab u ah tallaabooyinkii ay dowladda Soomaaliya qaadatay ee hoos loogu dhigay xiriirka diblomaasiyadeed, laguna joojiyey Qaadkii Kenya u dhoofin jirtay Somalia ayaan la ogeyn heerka uu gaari doono.


