Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad degdeg ku soo rogay degmooyin ka tirsan Gobolka Sanaag, kadib markii soo saaray Wareegto xaalad deg-deg ah ku soo rogaysa Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.
Xaaladda degdega ah ayaa soconeysa muddo saddex bilood ah, waxaana sabab looga dhigay, iyadoo Dhibaato Colaadeed ka jirto Degmooyin ka mida Gobolka Sanaag oo Halis Galin Karta Nabad-gelyada Guud, Jiritaanka iyo Dastuurka Dalka.
Go’aannada xaaladda degdegga ah ayaa waxa ka mida:
1) In Xaalad Deg-deg ah (State of Emergency) lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, muddo saddex bilood ah.
2) In Ciidammada Somaliland ee kala duwan ay qaadaan tallaabo kasta oo ay ku sugayaan amniga, kagana hor-tagayaan cid kasta oo ku kacaysa ama u muuqata in ay fulinayso falal nabad-gelyo darro.
3) In Ciidanka Somaliland la wareego dhammaan maamulka iyo go’aammada lagu sugayo amniga, laguna joojinayo khataraha nabad-gelyo darro.
Xeerkan ayaa loo gudbiyey golaha baarlamaanka ee guurtida iyo wakiilada. Waxayna arrintan ka danbeysay markii maleeshiyo beeleed ay dil u geysatay laba sarkaal oo ka tirsan Somailand, ayna xoogeysteen maleeshiyooyin hubeysan oo ka horjeeda maamulka Hargeysa.