Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan wadajir ah la yeeshay Guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Kulankan ayaa ka dambeeyay shirar kala gaara oo uu xalay labada Guddoomiye la yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxaana looga hadlay khilaafka ka dhex taagan labada aqal ee baarlamaanka oo keenay in Aqalka Sare uu xiriirka u jaro Golaha shacabka.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo kala hadlay labada gudodomiye muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta Labada Gole ee Baarlamaanka, si ay u horseeddo qorshe iyo waxqabad mideysan iyo dardar gelinta howlaha horyaalla Baarlamaanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin meel marinta 29-ka hindise sharciyeed ee Xukuumaddu ay gudbisay.
Lama sheegin natiijo kasoo baxday kulanka iyo in labada Aqal ay dib u bilaabayaan wada-shaqeyntii u dhaxeysay, taasoo ay hor yaallaan caqabado culus.