Sunday, June 22, 2025

Madaxtooyada Somaliya oo beenisay Warar hore looga baahiyey Askarta ku maqan Eritrea

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay safarradii Madaxweynaha ee is dabajooga ahaa, xaaladda ciidamada ku sugan Eritrea iyo dhacdooyinkii dalka ee muddooyinkii ugu danbeeyay.

Afhayeenka Madaxtooyada C/kariin Cali Kaar oo shir jaraa’id u qabtay saxafiyiinta ayaa beeniyey warar ay muddo dheer sheegayeen siyaasiyiinta mucaaradka oo ku saabsan in ciidamada ku sugan dalka Eritrea ay ka qeyb galeen dagaalladii Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Wuxuu wararkaasi ku tilmaamay ku-tiri-kuteen, wuxuuna sheegay Afhayeenka in ciidanka oo gaaraya 5000 Askari oo tababaran la wado qorshahii iyo habraacii lagu keeni dalka, isagoo aan sheegin waqtiga dalka lagu keenayo.

Ad

Warar aan la xaqiijin ayey arrintan ka tebiyeen Baraha bulshada siyaasiyiin waaweyn oo ay ka mid yihiin musharixiin iyo xubno hadda madax noqday oo uu ka mid yahay agaasimaha NISA, xildhibaan hore Mahad Salaad.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkii tegay booqday askartaas ku sugan dalka Eritrea, ayada oo markii ugu horreysya muddo saddex sano ah ay suurta-gashay in muuqaalladooda la helo.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON