Saturday, July 12, 2025

Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh u hortegayaa Baarlamaanka Federaalka? (FAAHFAAHIN)

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  maanta hortegaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kadib markii uu guddoonka baarlamaanka u diray codsi ku saabsan inuu khubad ka jeediyo Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa gabagabadii kulankii xildhibaanada ee shalay ka sheegay inuu madaxweynaha hor imaan doono  Baarlamaanka, laakiin ma faahfaahin waxa uu doonayo madaxweynaha inuu Baarlamaanka kala hadlo.

Wararka laga helayo madaxtooyada ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo inuu Baarlamaanka uga warbixiyo xaaladda dalka, iyo go;aanka qaabka doorashada dalka ee dhowaan la soo saaray isagoo ka dalbanaya xildhibaanada inay ansixiyaan qorshaha doorashada.

Madaxweynaha ayaan ogolaan marar badan oo uu Baarlamaanka hor tegay in su’aalo la weydiiyo, waxayna tani u muuqataa inuu jeedin dooni khudbad saacado badan qaadata.

Xildhibaano badan ayaa ku kacsan qorshaha doorashada dowlada Federaalka iyadoo xilliga kala guurka ah laga cabsi qabo inuu baxo khilaafaad cusub oo soo dhex gala Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON