Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo howlaha maamul u sameynta Gobolka Hiiraan ee ka socday magaalada Beledweyne.
Amarka madaxweynaha waxaa saxaafadda u sheegay Guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda iyo ammaanka ee gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdulle(Axmed Inji) oo shaaciyay inaan wax shirar ah oo siyaasadeed lagu qaban karin magaalada Baladweyne.
Guddoomiye xigeenka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay amar ku qabaan inay tallaabo ka qaadaan siyaasiyiinta shirarka siyaasadeed ku qabanaya magaalada Baladweyne.