Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caawa weerar xoog leh lagu qaaday kooxda Alshabaab, isla markaana jab xoog leh la gaarsiiyay, warkaasina ay dadku maqli doonaan saacadaha soo socda.
Madaxweynaha oo aan weerarkaasi, cidda qaaday iyo goobta lagu qaaday wax faahfaahin ah ka bixin ayaa ka hadlayay xaflad caawa uu soo qabanqaabiyay maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlay mashruuca DALKAADA DHISO ee uu wado maamulka Gobolka Banaadir.
Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in weerar qarsoodi ah oo kale ay qaadeen ciidamada Kumaandooska Soomaalida iyo kuwa Mareykanka ku qaadeen Alshabaab ku sugan gobolka Sh/hoose. Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku soo gaabiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa taageera oo madaxweynuhu ku sheegay ciidamada isbaheysiga la ah dowladda Soomaaliya ay weerar culus ku qaadeen kooxda Alshabaab.
Madaxweynaha: "Faahfaahinta jabka loo geystey cadowga weerarka caawa ku socda goor dhow ayaad maqli doontaan"
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) March 31, 2016
Madaxweynaha: " Waxaa iminka socda weerar culus oo Ciidanka XDS ku qaadayaan cadowga Al Shabaab"
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) March 31, 2016
Goobjooge.com