Monday, July 14, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo Duco loo geeyay Qabriga Sheekh Yuusuf Direed [Daawo Sawirro]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wadigiisa ayaa booqday Qabriga Sheekh Yuusuf Direed ee Deganka Huurshe, Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan madaxweyanha Galmudug, madaxa dowladda Galmudug ayaa la akrayay isagoo ku duceysanaya Qabriga agtiisa, waxayna arrintan dhacday xilli ay u sii socdeen wafdiga degmada Caabudwaaq.

Allaha u naxariistee Sheekh Yuusuf Sheekh Ibraahim Fiqi Xasan oo kumagac dheeraa (Sheekh Yuusuf Direed) ayaa ka mid ahaa culimada waaweyn ee Gobollada Dhexe, wuxuuna sanadkii 1980 ku geeriyooday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu aasay Magaalada Huurshe ee Gobolka Galgaduud oo aabihiis ku aasnaa, waxaan had iyo goor booqda culimada ahlu suna.

Madaxweynaha ayaa arrintan ku xushmeeyay kooxda Ahlu suna oo ka dalbatay inuu Qabriga Sheekh Yuusuf booqdo, halkaasina duco lagu sameeyo, waxaana kooxda Suufiyiinta culimada kale ku eedeeyaan Qabuuro tegista.

Image may contain: 7 people, people standing and outdoor

Image may contain: 6 people, outdoor

Image may contain: one or more people, people standing, shoes, sky and outdoor

Related image

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON