Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray dadka muslimiinta ah ee lagu laayey weerarkii lagu qaaday masjidka ku yaalla dalka New Zealand.
Farriintiisa ayuu madaxeyne Farmaajo ku yiri: “Waxaan si adag u cambaareyanyaa weerarkii islaam-naceybka ku dhisnaa ee argagaxa lahaa oo ka dhcay magaalada Chrischurch, New Zealand oo lagu qaaday muslimiinta cibaadeysanayey.. Waxaan garab taaganahay dowladda New Zealand iyo shacabka muslimiinta ah si ay uga gudbaan musiibadan.. Waa inaan u midownaa burburinta argagixisada nooc kastoo ay tahay.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku biiraya madaxda caalamka ee cambaareeyay weerarka naxdinta badan dhaliyey ee dalka New Zealand oo lagu dilay 49 qof oo muslim ah oo salaadii Jimcaha ku jiray, waxaana dadka dhintay ka mida Soomaali.