Madaxda Caalamka ayaa si weyn u cambaareeyay, kuna tilmaamay fal laga naxo oo argagixiso ah weerarkii lagu qaaday laba masjid oo dad muslimiin ah ku tukanayeen dalka New Zealand.
Weerarkan oo ayaa lagu laayey 49 qof, waxaan geystay nin Caddaan, cunsuri argagixiso ah oo ka tirsan kooxaha xag jirka Caddaanka isla-weyn, iyadoo dunida oo dhan uu saameyn ku yeeshay weerarkan ayaa waxaa ka hadlay madax fara badan oo caalamka ah, inkastoo weli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka aamusan yahay.
Qaar ka mida madaxda ka hadashay ee sida weyn u cambaaareysay waxaa ka mida madaxweynaha Turkiga, madaxweynaha Ruushka, Ra’iIIal wasaaraayaasha New Zealand, Pakistan UK, Spain iyo Australia.
HOOS KA AKHRISO
Jacinda Ardern: “Weerar argagixiso iyo maalin maddow
“Waa ay caddahay in tani lagu qeexi karo oo kaliya weerar argagixiso” waxaa sidaas tiri ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern, oo ku qeeyxday “mid ka mid ah maalmihii ugu madoobaa New Zealand.”
Madaxweyne Erdogan: Muslimiinta waxay wajahayaan Dil wadareed

Reccep Tayyip Erdogan
Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa yiri “Weerarkan ama cadaawadda ku wajahan muslimiinta ee dunida ay daawanaysay muddo ama mararka qaar ay dhiiri-gelineysay, waxay dhaaftay xuduuddii dhibaateynta shaqsi, waxayna gaartay heer dil wadareed”
Reccep Tayyip Erdogan
“Haddii aan la qaadi tallaabooyin deg deg ah, waxaa midda xiga doona musiibo kale” ayuu yiri Erdogan.
Madaxweyne Vladamir Putin: Weerar xaasidnimo iyo wuxuushnimo ah

Vladimir Putin
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa yiri “Weerar ka dhan ah dad si nabdoon isugu yimid inay tukadaan waa naxdin ay ku dheehan tahay xaasidnimo iyo wuxuushnimo:” “Waxaan rajaynayaa in kuwa ku lugta leh ay maraan ciqaab adag” ayuu yiri Putin.
Imran Khan: Weerar argagixiso oo naxdin leh
Ra’iisal wasaaraha Pakistan ayaa sheegay in weerarka ka dhacay dalka New Zealand ee lagu qaaday dad masaajid ku cibaadeysanayey uu yahay si weyn uga naxay, wuxuuna in arrintan ay caddeyn u tahya in argagixisada aany diin lahayn. wuxuuna tacsi u diray dadkii ku dhintay weerarka.
Donald Tusk: War naxdin leh
Madaxweynaha golaha Midowga Yurub, Donald Tusk ayaa yiri “War naxdin leh ayaa caawa kasoo yeeray New Zealand, weerarkan arxan darrada ah marnaba ma tirtiri doono dulqaadka iyo akhlaaqda ay New Zealand ay caanka ku tahay”
Theresa May: Weerar agagixiso oo laga naxo

Theresa May
Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May ayaa tiri “Kadib weerar argagixiso oo argagax leh oo ka dhacay Christchurch, waxaa qalbigeygu la jiraa kuwa uu saameeyey ficilkan rabshadeed ee laga yaqsiyoodo”
Heiko Maas: “Weerar arxan-darro ah
Wasiirka arrimaha dibedda Jarmalka, Heiko Maas ayaa yiri “weerarkan arxan darrada ah wuxuu si qoto-dheer u saameeyey dalkayga”.
Pedro Sanchez:Xagjiriinta waxay burburinayaan bulshadeena
Ra’iisul wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa sheegay in qalbigiisu la jiro dhibanayaasha qoyska iyo dowladda New Zealand, wuxuuna yiri “Xagjiriinta iyo kuwa mayalka adag, waxay doonayaan inay burburiyaan bulshadeena”