Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa casuumaad ka dhigay dhiggiisa dalka Turkiga Rajeb Erdogan oo ku marti qaaday inuu ka qeyb galo shirweynaha xisbiga talada haya ee dalka Turkiga.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goor dhoweyd baahisay in Madaxweyne Farmaajo uu casuumaad ka helay madaxweynah Turkiga, iyadoo lagu casuumay furitaanka shirweynaha lixaad ee xisbiga AK Party oo ah xisbiga madaxweyne Erdogan ee talada dalka Turkiga haya.
Shirweynaha xisbiga AK ayaa furmi doona 18-ka bishan oo ku beegan Berrito, waxayna Madaxtooyada Soomaaliya ay sheegtay in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga ay ka wadahadli doonana xiriirka laba dal iskaashiga dhaqaalaha, Ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo Turkigu uu yahay dal weyn oo saaxiib la ah Soomaaliya.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dagaal dhaqaale uu ka dhex oogan yahay dalalka Turkigai yo Mareykanka, kasoo keenay xaalad dhaqaale oo Turkiga ka dhacday markii ay hoos u dhacday qiimaha lacagta dalkaasi ee Liiraha.