Monday, June 23, 2025

Madaxweynaha Turkiga oo jawaab yaab leh ka bixiyey weerarkii xarumaha Shidaalka Sacuudiga [Yaa bilaabay duqeynta?]

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa si la yaab leh uga jawaabay weerarkii lagu qaaday Xarumaha shidaalka dalka Sacuudiga oo dalal badan ay cambaareeyeen, ayna sheegteen Xuuthiyiinta Yeman.

Isagoo ka qeyb galayey shir madaxeedka Astana ee hoggaamiyeyaasha dalalka Turkiga, Ruushka iyo Iiraan ayaa l weydiiyey Madaxweynaha Turkiga weerarka lagu qaaday xarumaha shidaalka Sacuudiga, wuxuuna ku jawaabay: “Waa in dib loo dhisaa dowladii Yeman sida ugu dhaqsiyaha badan, ma awoodo dalkaasi inuu lugihiisa ku istaago. Dowladaha waaweyn maxay ka qaban karaan.., dhibaatadu waxay ka taagan tahay Falastiin, laakiin nasiib darro muslimiintii ayaa la dagaalamaya muslimiin kale… aan xusuusano yaa bilaabay duqeynta iyo dagaalka Yeman?”

Xiriirka Sacuudiga iyo Turkiga ayaa ahaa mid sii xumaanayey intii Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul lagu dilay saxafigii Jamal Kashoqgi, iyadoo hadalka Madaxweynaha Turkiga uu ka muuqdo inuu aad uga horjeedo dagaalka Sacuudiga ka wado dalka Yeman.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON