Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markii ugu horraysay ku eedeeyay madaxda sare boqortooyada Sacuudiga ay ka danbeeyeen dilkii saxafigiii Jamal Kashoqgi ee lagu dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.
Kadib muddo bil ah oo kasoo wareegtay dilkii Saxafiga ayuu madaxweynaha Turkiga Maqaal ku qoray wargeyska caanka ah ee Washington Post, isagoo uga hadlay kiiska dilka saxafiga si toos ahna ugu eedeeyay inay ka danbeeyeen madax sare oo Sacuudiga ka tirsan balse aan ahayn Boqorka Sacuudiga.
“Waxaannu ognahay in amarka lagu dilay Khaashuqji inuu ka soo baxay madaxda ugu sarreysa ee dowladda Sucuudiga, waxaanse hubaa inuusan ku lug lahayn Boqorka Sacuudiga” ayuu qoray madaxweynah Turkiga oo warkiisa laga fahmay inuu si toos ah u tuhmayo dhaxal sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan.
“Waxaan ognahay in kooxda dilka saxafiga geystay ee Turkiga u timid fulinta amarrada la soo siiyay ee ah inay dilaan Khashoqgi kadibna ay iska tagaan. waxan kaloo ognahay in amarka dilka Khaashuqji uu ka soo baxay madaxda ugu sarreysa ee dowladda Sucuudiga.” ayaa ka mida ahaa qormada Erdogan.
Wuxuu ugu baaqay Sacuudiga inaan la qarin oo la caddeeyay dadkii ka dambeeyay dilka Saxafiga, wuxuuna yiri “Waa inaanay dhicin in markale cid ay ku soo dhiirato in fal noocaas oo kale ah ay ku dhex fuliso dhulka dallaka NATO”