Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan, iyagoo ka wadahadlay xaaladda Soomaaliya iyo xiisada ka dhalatay faragelinta Itoobiya.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyey Erdogan mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya.
Dhinaca Kale Madaxtooyada Turkiga ayaa shaacisay in Madaxweyne Erdogan uu khadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ka wadahadlay xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya, la dagaalanka argagixisada iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo caalamka.
Madaxweyne Erdogaan ayaa sheegay in Turkiga uu garab taagan yahay Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isla markaana iskaashiga labada dal uu sii socon doono.
Sidoo kale Madaxweyne Erdogaan ayaa caddeeyay inay ka welwelsan yihiin xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo ku baaqay in lagu dhammeeyo iyadoo la dhowrayo idnimada dhuleed ee Soomaaliya.