Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha Uganda Yoweri Musavani oo sheegay sababta uu u jecel yahay Donald Trump

Madaxweynaha Uganda Yoweri Musavani ayaa sheegay in uu jecelyahay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, sababtuna tahay maadaamaa uu yahay nin saraaxo badan, islamarkaasna runta u sheega Afrikaanka.

Musavani oo hadal ka jeediyay kalfadhi baarlamaanka Bariga Afrika uu ku lahaa Uganda ayaa yiri “Amerika waxa ay heshey madaxweynihii ugu wanaagsanaa ebed, waan jeclahay Trump sababtoo Afrikaanka runta ayuu u sheegaa. Afrikaanka waa in ay dhibaatooyinkooda iyaga xalistaan”

Madaxweyne Tump ayaa lagu eedeeyay in dalalka Afrika uu ku tilmaamay ‘gudaafat’, islamarkaasna aysan habboonayn dad ka socda in ay tagaan Maraykanka.

Balse Trump waa uu beeniyay in uu isticmaalay erey bixin nacayb ah. Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa dhaleeceeyay hadalada Trump.

Ammaanta Musavani ayaa imanaysa xili safiirka Maraykanka u fadhiya Uganda uu cambaareeyay madaxweyne Trump iyo hadalkii uu ugu gefay dadka Afrikaanka ah. “Haddaladiisa waa kuwa nasiib darro ah, lagana xumaado” ayay tiri Deborah Malac.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON