Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya oo jawaab kulul u diray Trump [Waa in maskaxdiisu fadhin]

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay in maskaxda aan “fadhiyin” ee Trump ay ku qancisay in uu ku saxsan yahay hormarinta hubka dalkiisa Kuuriyada Waqooyi.

War qoraal ah oo naadir ah oo uu warbaahinta sii mariyay ayuu hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ku sheegay in Trump ay “saamayn wayn” ka soo gaari doonto, kana shalaayi doono khudbaddii uu dhawaan ka jeediyay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee uu ugu hanjabay Kuuriyada Waqooyi.

Hoggaaminaya Kuuriyada Waqooyi oo warkiisa ay baahisay wakaalada wararka dalkaasi KCNA ayaa sheegay in hadaladdii Madaxweyne Trump inay ku qanciyeen inuu sii wado horumarinta hubka Niyukliyeerka, intii ay cabsiin lahaayeen ama ka joojin lahaayeen.. jidka aan doortay waa mid sax ah, waana mid ay tahay inaan ugu danbeyn ku socdo…” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi.

Wuxuu sheegay in Madaxweynaha Mareykanka uu ka horjeedo jiritaanka dalkiisa, isagoo dunida horteeda ka caayay hoggaanka iyo dalka Kuuriyada Waqooyi, kuna dhaqaaqay inuu ku dhawaaqo dagaal ka dhan ay qaadi doonaan tallaabo kasta oo looga jawaabayo, iyadoo Trump uu qaadi doono cawaaqinta ka dhalata.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa Talaadadii sheegay in haddii Maraykanka lagu qasbo in uu is difaaco uu guud ahaanba burburin doono, Kuuriyada Waqooyi. Labadan dal ayaa bilihii u dambeeyay is waydaarsanayay dagaal afka ah oo sii kululaanayay.

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabinaysay gantaallo aan baaxaddooda la sii saadaalinin. Waxayna tijaabisay nukliyeerkii Lixaad, inkastoo cambaarayn caalami ah ay ku mutaysatay arrintaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi oo horray khudbadda Trump ugu sheegay “Eey ciyay” oo kale ayaa ka digay in dalkiisu uu badwayna Baasifik ku tijaabin doono ban haydarojiin ah, arrintaas oo ay kaga jawaabayaan hanjabaadda madaxweynaha Maraykanka.

Wakaaladda wararka Yonhap ee Kuuriyada Waqooyi ayaa wasiirka arrimaha dibadda ka soo xigatay in “bamkan uu noqon doono kii ugu awoodda badnaa ee noociisa ah.

Laakiin wuxuu intaa ku daray “in aysan ogayn ficilka ay qaadi doonaan maadaama amarka uu bixin doono hogaamiye Kim Jong-un.”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON