Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ka degay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, isagoo wada isku daygii ugu danbeeyay ee lagu doonayo in lagu qanciyo odayaasha gobolka Hiiraan si ay uga qeyb galaan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Qabanqaabada soo dhoweynta wafdiga madaxweynaha waxaa ka qeyb galay madaxda gobolka, odayaal iyo wasiiro ka tirsan dowladda oo uu horkacayay wasiirka Arrimaha Gudaha. Magaalada ayaa laga dareemay ciidamo fara badan, waxaana la xiray wadooyinka magaalada.
Dadaalkii Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaan ku guuleysan inay qanciyaan Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo noqday Duubka ugu weyn ee kasoo taagan inuu aqbalo shirka Jowhar, waxaase dowladdu ku guuleysatay inay duubabkii dhaqanka beledweyne ee 8-da ahaa ay qeyb ka mida qanciso.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr goor hore u tegay magaalada Beledweyne isla markaana xaalado adag kasoo wajaheen ayaan la ogeyn sida uu socdaalkiisa cusub ugu guuleysan doono.
Goobjooge.com