Friday, June 27, 2025

Madaxweynayaasha Dalalka Mareykanka iyo Iiraan oo hadallo kulul is-weydaarsaday.

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka Mareykanka iyo Iiraan ayaa is weydaarsaday ereyo kulul oo ku saabsan xiisadda ka taagan Bariga Dhexe, kadib weerarradii lagu qaaday Khamiistii Laba markab oo shidaal siday, kuna sugnaa Biyaha Khaliijka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan ay ka dambeysay weerarradii lagu qaaday labadii Markab ee waxyeeladda kasoo gaartay Khamiistii, wuxuuna wareysi uu siiyay telefishanka FOX NEWS uu ku sheegay in faraha Iiraan ay ka muuqdeen weerarradaasi, isagoo intaas ku daray in Mareykanka uu difaaci doono danihiisa.

Dhinaca kale Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani ayaa sheegay in Mareykanka uu halis ku yahay xasiloonida gobolka Bariga Dhexe iyo tan caalamka, wuxuuna ku eedeeyay inuu wado daandaansi iyo gardarro qaawan oo ka dhan ah dalkiisa.

“Dowladda Mareykanka, waxay labadii sano ee tagtay ku xadgudbeysay nidaamyada iyo xeerarka caalamiga ah, iyadoo adeegsaneysa kheyraadkeeda dhaqaale, maaliyadeed iyo milateri, waxay qaadatay waddo gardarro ah, waxayna halis ku tahay nabadda gobolka iyo tan caalamka” ayuu yiri Madaxweyne Rouhani oo ka hadlayey kulan ay magaalada Bishkek ee dalka Kyrgyzstan ku leeyiiin madaxda Ururka Iskaashiga Shanghai, oo ah isbahyasi amni oo ay ku mideysan yihiin dalalka Yurub iyo Asia qaarkood, sida Russia, China iyo India.

Rouhani ayaa Mareykanka ku dhaliilay ka bixitaanka heshiiskii Nukliyerka Iran ee la gaaray 2015, isaga oo sheegay in Washington ay dalalka kale ee caalamka ku cadaadineyso inay jebiyaan qaraarka Golaha Ammaanka QM ee soo celinta xiriirka ganacsi ee lala leeyahaya Tehran.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa garab istaagay Iiraan, iyagoo sheegay inay taageersan yihiin dowladda Iiraan, una balan qaaday inay kala shaqeyn doonaan nabadda iyo yareynta xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.

Dalalka Reer Yurub sida Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa iyaguna sheegay inaan la heynin caddeyn ku filan oo lagu eedeeyo Iiraan weerarradii ka dhacay Khaliijka Cumaan, waxayna ku gaabsadeen in baaritaan uu socdo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON